Ma la yaabtay sababta keenta in aad guul dareeysato marar badan adigoona ogeen sababta keentay guuldarada. Qoraalkaan waxaan ku soo gudbineeynaa qodobo dhoowr ah oo aad uga hortagi karto guuldarada.
Noqo qof ku mintid ah 100%
Arintaan ayaa ah mid muhiim ah dadka badanaa marka ey rabaan ineey guul ka gaaraan sheey ama hadaf marki ey guuldareeystaan ama caqabad ka hortimaado isla marki waxeey bilaabaan ineey ka niyad jabaan oo eysan ku mintidin hadafkooda waana arin muhiim ah inuu qofka ku mintido waxa uu rabo inuu ka guul gaaro.
Ka fogoow inaad noqoto qof aan dabaaldagin
Hadii mar aad gaarto qeeyb ka mid ah hadafkaada samee dabaaldag oo la wadaag dadka aad jeceshahay si nafsadaada aad u dareento ineey horay u socoto, hadafka aad gaarto haba yaraado ama inta uurabo hala ekaado farxada waxeey kuu sababti kartaa inaad horay usii dhaqaaqdo oo dhinaca guusha aad u socoto.
Hadafkaada Diirada saar
mar walbo diirada hakuu saarnaado hadafka aad rabto inaad ka guul gaarto, isku dhax wadka hadafyo badan waxeey kuu sababi karaan inaad guul dareeysato, marka eey imaato hadafyo badan hadafyada kala bixi oo mid walbo goonidiisa u tafa xeeydo si aad uga guul gaari leheed.
Si deg deg ah ha isku dhiibin
Dadka badanaa mida ugu dhibka badan ey la kulmaan waa niyad jabka deg deg ah, marnaba haka quusan inaad hadafkaada gaarto, quraanshada marka ey 99 mar eey kasoo dhacdo meesha ey rabto ineey kort marka 100aad weey gaartaa, marnaba si fudud ha isku dhiibin.
Waxaan kuu rajeeynaa Guul mar walbo.