Gabay Amaan Dumar oo Macaan Abwaan Hadraawi
Ninba waxuu ku taamaa
ama hees ka tiriyaa
tixo gabay ku sheegaa
halka lagu talaalee
hawadiisu taallee
uurkiisu tebeyee,
dumar taan ka sahansaday
waa gabadh Togdheeroo
Maxamuudi tooxwayn
saddex-qayd ka tolatoo
tusbax luqunta gelisoo
tafta daraya-muuskii
taakiyo badh muuqdoo
dhaxalihii tarraxayoo
sida boqorad taash xidhan
hadalkeeda tirisoo
hadba erey tukubisoo
todobaatan jeerbaan
soo toosay xalayoo
Sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.
Ninba wuxuu ku taamaa
ama talal ku sheegaa
ama gacan ku taabtaa
halka lagu taftaafee
Burco waxay ku taalaa
xididdada tin iyo cidhib
tebinaaya dhiigee
hadba dhan u talowshee
dayax taabba-qaadoo
toban iyo shan joogiyo
xidigaha tartamayee
isku taxay dushiisaa
tahan iiga hirayoo
Tusmo barashadeediyo
taltallaabsigeediyo
taratarinta laafyaha
meeshay i turuqdiyo
tawstey i gelisaa
igu sii tarmaysoo,
sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.
Tuke bari ka yimibaan
tusay boogahaygoo
u tilmaamay beeshoo
tebi idhi dhambaalkii;
taarkii ma geynoo
isma tarin dedaalkuu
u tabaabulshaystoo
taab-gaabnidiisey
naftu xadhiga towseed
ugu turunturootoo
latawaacaysaa.
Miyuu tuuray hadalkii?
Miyuu tiray jacaylkii?
Mise tulud raqdeeduu
ugu taaganyahay geed?
Mise wuxuu tukanayaa
faral iyo Taraawiix?
Mise wuxuu taraarkii
kala dhacay Tabciyo Sheekh?
Sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.