
Gabay: Hal-abuur Abwaan Hadraawi
Hal-abuurku waa geed
Hufanoo udgoonoo
Higil iyo caleen iyo
Hoobaani fuushoo
Ubaxuna kor iyo hoos
Hilqadaha ku dhigayoo
Hadh qabow ku darayoo
Shinbiruhu hiraabtii
Ka haloosiyaanoo
Cidi aanay hurinoo
Ishu haybta meel dheer
Uga soo hilowdoo
Higsi lagu yimaaddoo
La habaarin weeyaan
Hal-abuurku waa diin
Bulsho hadalladeediyo
Haasaasaheediyo
Hinqashada dareenkiyo
Hibo weeye Eebbahay
Hanti aan la gadinoo
Halladaad ku gelinoo
La hagoogto weeyaan
Waxa lagu habeeyaa
Hiddahaad ku dhaqantiyo
Himiliyo ujeeddo
Waxa lagu hayaanshaa
Hagar li’I dadkaagoo
Waxa loogu hiishaa
Lama hure dhulkaagoo
Haqab-beelka noloshaa
Horta lagu yagleelaa
Hal-abuurku waa roob
Hogol weeye curatoo
Waa heego diriroo
Ka hillaacday meeloo
Dadku ruux hilaaddiyo
Hindisaha yaqaannoo
Jidka toosan hubiyoo
Dhakhso ugu hayaamoo
Hela doogsinteediyo
Qof habaaba socodkoo
Ku hungooba weeyaan
Hal-abuurku waa deeq
Waa Haro-Digeedoo
Is harraartiyaysoo
Dadku ruux hal adagoo
Horu socod ku darayoo
Ka hirqada xareeddiyo
Hawo niman ka qabino
Hayin gaadha waayoo
Ka harraaddan weeyaan
Hal-abuurka guul aad
Nacabkaa ka hanatiyo
Libin aad la hoyatoo
Ku haloosiyaysaa
Dabka loogu huriyaa
Marna hoga tusaaliyo
Maahmaah hawiranoo
Noloshuba ku hiratiyo
Murti hodana weeyaan
Marna haan gun-dheeroo
Hilanoo lingaxanoo
Habaqlaha dhextaalliyo
Halxidhaale weeyaan
Marna hoy bulsheedoo
Ku habboon caweyskiyo
Halab lagu bariistoo
Laga helo naruuriyo
Haasaawe weeyaan
Marna hugunka uurkiyo
Hadimada ku gaadhiyo
Hogashada gandoodiyo
Hiyi kaca calooshiyo
Nafta hibashadeedaa
Kugu huriyaa naaroo
Hal-abuurka nabar baa
Hollo kugu yidhaahdoo
Dacar kugu hulaaqdiyo
Hiirtaanyo murugaa
Hadba lagu bakhtiiyaa
Marna hadashadaadiyo
Isha halacsigeediyo
Hengelaha jacaylkiyo
Waxaa loogu heesaa
Hablihii kalgacalkoo
Marka aad hawootaa
Lau hoodo sheegtaa
Marna geenyo hororoo
Hardaf waal ku socotoo
Halis iyo wax yeelliyo
Hagar daamo badanoo
Heddu saarantahayoo
Nin bartaa ka hadhinoo
Ku hodeysa weeyaan
Marna waa hummaaggii
Qofka kula hadlaayoo
Intuu soo hankaabsaday
Iska rogey hillaabtoo
Kugu yidhi hankaygiyo
Habka maansadaydiyo
Hiyigaygu waa kaas
Hal-abuurku wa awr
Sita heeryadiisiyo
Hirar kale shisheeyoo
Wa hilib mergiyahoo
Isagoo hal keliyaa
Dadku harag shabeel iyo
Ka dhigaan bariiryoo
Qof kastaa hab gaaruu
U higgaadsadaayoo
Waxay ugu habboon tahay
Sida uu u haystiyo
Halka uu la doontoo
Gabadh weeye hensaha
Hore loogu xidhayoo
Shaqalkiyo hagoogtiyo
Huga way ku dhalatoo
Sida naas hablood buu
Horaad iyo danbeed yahay
Hal-abuurka niman baa
Hawraar u bixiyoo
Toddobaatan hebeloo
Hana-qaad is xigey baa
Hasha maali jirayoo
Haaneedka Raagaa
Qaban jirey hadhuubkoo
Cali-Dhuuxna hooduu
Ragba kaga horreeyoo
Hidda raac Qamaan bay
Habar wada jaqeenoo
Ha’da gabay Salaan baa
Dhigi jirey higgaaddoo
Hammi Faarax Nuur baa
Ledi jirin habeennoo
Hitiqsiga Gamuutaan
Hamrashada aqoonoo
Mahadhada kal gacalkiyo
Hodan iyo xusuusaha
Cilmi haadka duuluu
Fari jirey hayaydoo
Sayid Maxamed hawlaha
Halgankiyo dagaalkuu
U hor kacay Daraawiish
Hurintiisa jiiftaa
U ahayd hal-haysoo
Ha noolaatadeennii
Hubka lagu dagaal galay
Murti baa halbowliyo
U ahayd hoggaanoo
Soomaali hurudday
Hoobey ku kicisoo
Xamar iyo Hargeysaba
Dhagax iyo hangool iyo
Heellaa xoraysoo
Wallee hoobalkaan jirin
Libi sooma hoyateen
Anna heesta luuqdiyo
Hawraarta maansada
Kuma xidho hunguriyoo
Kama taliyo hoodoo
Ummaddaydu haabkay
Ugu heellantahay baa
Hanti iigu filanoo
Hangal-taagga xoolaha
Waxa uga han weynahay
Hambalyada salaantiyo
Hadal haynta magacoo
Hindisaha wax sheegiyo
Hoga gelinta jiiftada
Ma hawaawi tiriyee
U horseed tagaayoo
Horta waan u sahan shaa
Marka aan hoggiisiyo
Feleggiisa hubiyee
Habaskiisu yeedhaan
Hudi hudi idhaahdaa.