Gabay: Waa lay Warrami – Cilmi Boodhari
Hooyaalayeey gabayga waa lagu wanaajaaye
Anna waayirkiisaan ahee waano iga qaata
Weegaarka caadku waa indhaha walalac beeneede
Waxku-aragu waa wiilka oon waayo kaa heline
Addinkoy wax gaaadhaanna waa loo wakinayaaye
Weheluhu baddooy kala tagaan wiiqan ubadkiiye
Walaxdii dhinaataaba way kaa weyrixisaaye
Iyadana wadeecada aduun wiil kalaw baxaye
Wadaamii qalbiga waxa la tegey wililigteediye
Intay waaninaysan dhulbaan weel ka gurayaaye
Waa lay warramayaa dadbaan weeye leeyahaye
Waxakani wareer iyo ka badan caashaq waaxidahe
Walaalooyinoow waxan ka biqi inan ku waashaaye
Markan inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye
Wiirada ragiyo baan ka tegi wadhida naagaaye
Wadankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye
Wuxu Eebahay ii waciyo waadanbe aan dhawro