Qaabkee ayaad ku noqon kartaa qof caan ah
Qof walba oo dunidaan aan ku noolnahay ee dushadeeda saran waxa uu hiigsanayaa yool, hadii uu dadaal dheer muujiyo waxaa u fududaaneyso sida uu ku gaari lahaa yoolkaas, waxay dad badan isku dayaan inay noqdaan qof magac ku leh (Caan ah) bulshada ay ku dhax noolyihiin ama dunida qeybaheeda kale.
1.Waxaa jiro wadooyin loo maro qofka sidii uu ku noqon lahaa qof can ah ama magac ku leh bulshada uu ku dhax noolyahay, waxaana ka mid ah.
2. Hiigsi (Yool) cad, qofka doonayo inuu magac yeesh waa in ay u cadahay hadafkiisa uuna muujiyaa dadaal dheeri ah si uu u gaaro waxa uu hiigsanaayo.
3.Isku kalsoonaan, dadka kugu xeeran waxaa laga yaabaa inay isku dayaan inay ku niyad jabiyaan oo ay kuu sheegan in ay adagtahay inaad gaarto waxa aad hiigsaneyso, haka ogaalo ee dadaal dheeri muuji.
4.Sabar badan, sabarka waa furaha guusha; waxaa loo baahanyahay in dulqaad badan qofka uu muujiyo si yoolkiisa u rumoobo.
5.Ahow qof leh xirfad soo jiidasho leh, tani waa inuu qofka ku dadaala yaraantiisa ayna ka caawiyaan waalidkiisa inta uu yaryahay, si marka uu madaxa soo qaado u noqdo qof meeshii laga rabay taagan.
6.Noqo qof furfuan(reer bulsho) tani waxay kaa caawineysaa inaad aqoon wanaagsan u yeelato dabeecadaha kala duwan ee dadka leeyihiin, adigoo si toos ah ula saaxiibayo qeybaha kala duwan ee dadka.
7.Nqoo caawiye, isku day inaad caawiso qofkii aad wax tari karto, si wanaag sheegidaada uga dhax muuqato bulshada.
8.Ka fikir dadka kale kabadan inta aad ka fikireyso naftaada, oo ahow qof naxariis badan leh.
9. Ha isku dayin inaad matasho ama jisho qof kale dabeecadiisa, isku day inaad wanaajiso dabeecadaada.
10.Noqo qof ka tarjumaya wanaaga, mar walbo ka shaqeey sidii aad u muujin lahayed dhanka wanaagsan ee dabeecadaada.
11.Hel la talin wanaagsan, ahow qof asxaab waayo arag ah leh si ay kuugu soo gudbiyaan khibradooda.
12.Qorsheyn wanaagsan, waxaa loo baahanyahay in qorshaha aad ku gaari laheyd wadadaas dheer inuu yahay mid kuu cad, sida inaad qorsheysato caqabadaha kusoo wajahi karo iyo sidii aad iskaga xalin laheyd.
13.La saaxiibida dadka hore magac u yeeshay, isku day inaad la saaxiibto dadka magaca yeeshay, si ay kuugu ifiyaan qeyb ka mid ah waxa ay soo mareen.
14.Yareey dabeecadaha aan wanaagsaneyn, sida faanka, kibirka, jeesjeeska iyo yasida dadka kale.
15.Ahow qof leh xisaabaadka baraha bulshada, si macrifadaadad kaala socoto goob alaale aad joogto iyo waxa kugu cusub.
16.Muuji dadaal badan, “dadaalaa wuu gaaraa” soomaali ayaa hore u tiri, laba laab sidii aad ku gaari laheyd yoolkaada.
17.Ka qeyb gal meelaha dadweynaha iskugu yimaadaan, kana dhiibo fikradahaada.
18.Ha ahaado hadalkaada mid la fahmi karo ayna cadahay wax uu xanbaarsanyahay hadalkaada marwalbo oo aad hadleyso.
19.Ku dadaal muuqaalka jirkaada, ahow qof nadaafad wanaagsan leh qaatana dharka ku haboon.
20.Ahow mar walba qof daacad ah, kana run sheego waxa uu ka hadlo.
21.La wadaag dadkaada wax farxad gelinaya mar walbo, si hareerahaada ay u joogaan mar walbo.
22.Ugu sheekeey dadka wax qof waliba marka aad uga sheekeeyso uu dhahayo waa inaan qofkaan u soo laabtaa mar kale.
23.Sameys qof ama dad aad ku dayato (Role Model) si aad u gaarto halkii ay gaareen ama ka sare.
24.Ahow qof hal abuur leh, gaar ahaan arimaha dhaqanka iyo arimaha bulshada.
25.Cudurdaaro markii lagaa gar helo.
26.Falanqeey inta aadan wax sameynin ama aadan ku dhaqaaqin.
27.Khaladaadka kaa dhaco hakuu noqdaan cashiro aad baratay, oo mar dambe aan kugu soo laaban.
28.Noqo qof dadweynaha ay xushmeeyaan ayagoo ka arkaya marka hore dabcigaada iyo qaab dhaqankaada.
29.Ha noqon qof caadifi ah, oo dareenkiisa markii loo baahdo la kicin karo ama sidii la doono laga yeeli karo.
30.Ahow qof la talintiisa loo aayo.