Maxaa sameeyaa waqtiga fursadaha aan leeyahay ama firaaqada?
Waqtiga wuxuu ka mid yahay nolosha qofka insaanka waqtiga waxaa wanaagsan in loogu faaideysto sida ugu haboon ma jirto sida saxda ah qofka in uu
leeyahay waqti iska furan ama firaaqo maadaama aan nahay dad muslimiin ah islamarkaana haboon in aan ka faaideysano waqtigeena sida uu alaah uu raali ka yahay hadii uu qofka firaaqo uu yahay waxaa uu uga faaideysan karaa in uu iska cibaadeysto.
Waqtiga firaaqada ma ahan mid loogu talo galay raaxo iyo maalaayacni in aad wagtigaaga ku lumisid raaxada waa in aad kaga faaideysataa waqtiga firaaqada waayo waqtiga firaaqada iyo caafimaad waxay ka mid yihiin waxyaabaha la is waydiin doona maalinta qiyaamaha sidaasi waxaa noo sheegay rasuulkeena sharafta badnaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee.Arimaha aad uga faaideysan karto waqtiga firaaqada waxaa ka mid ah:
1.In aad leedahay marka hore waqti qorsheysan .
2.Waxaa muhiim ah in aad uga faaideysatid dhanka caafimaad.
3.Aqrinta quraanka kariimka.
4.In aad aqoontaada ugu faaideysid dadka kale.
5.In aad uga faaideysatid dhanka nashaadhaadka ama aalamiintada