erayo xikmad leh, xikmad gaaban, erayo xikmad leh qoraal
Halkaan waxaad kaga bogan kartaa xikmado gaaban oo qoraal ah
- Macalinkaaga kuugu wanaagsan waa Qaladkaagii kuugu dambeeyay!.
- Wax kasta waa macquul, Waa haddii aad aaminsan tahay!.
- Wanaag hormarso, si markaaga laguu wanaajiyo.
- Qof kasta guul waa uu rabaa! Laakiin waxaa guulaysta qofka daneeya guushiisa oo kaliya.
- Wax kasta oo aad ku riyooto ma helaysid, kaliya waxaad helaysaa wixii aad shaqaysato.
- Dhoola-caddaytu waa jawaabta ugu fiican ee aad siin karto cadawgaaga.
- Indhahaaga waxaad ku arki kartaa waxa kaa horreeya oo kaliya, laakiin Maskaxdaada wax kasta ayaad ku arki kartaa!.
- Aarsiga ugu wayn ee aad uga aarsan karto dadka ku xumeeyay, Waa in aad iska Cafisaa.
- Jacaylka dhabta ahi marnaba ma dhammaado.
- Maalin kasta waa fursad, si aad Noloshaada wax uga badasho!.
- Meesha aad farxad ka helaysid, waa meesha ay noloshaada ku jirto.
- Marnaba ha u ooyin qof qalbigaaga dhaawacay. Kaliya u dhoola-cadeey, Dhehna: “Waad ku mahadsan tahay sida aad fursada iigu siisay inaan raadiyo qof adiga kaa fiican!”.
- Eber (0) waa tiro aan laga maarmin, sababtoo ah wax kasta Eber ayay ka bilawdaan.
- Haddii aad maanta dhagax tahay, barri dhayman waad noqon kartaa!.
- Albaab waxaa la gali karaa marka uu furan yahay, Qalbiguna waa sidaas oo kale.
- Qof kasta dabeecadiisa kula dhaqan, si aad usoo jiidato.
- Sida loo kala qalad badan yahay, ayaa loo kala qibrad badan yahay!.
xikmad gaaban
- Kumanaan qof oo kula faraxda markii aad faraxsan tahay, Waxaa ka fiican Hal qof oo Farxad iyo Murugaba kula qaybsada.
- Markasta isku-day inaad samayso waxyaabaha aadan qaban karin!, si aad Awood dheeri ah u hesho.
- Qofka sida dhabta ah kuu jecel xumaantaada uma muuqato.
- Rajadu waa waxa kaliya ee nafta lagu sasabi karo.
- Go’aan ha gaarin adiga oo aan Fikirin.
- Inta aadan tartan galin kahor, hubi heerka aad joogtid.
- Si aad Hadafkaaga u gaarto, hiigso meel hamigaaga ka fog!.
- Inaad kaligaa noolaatid waxay ka fiican tahay, inaad la noolaato dad noloshaada aan qiimo la lahayn.
- Safar kasta oo dheer waxa uu ka bilawdaa hal tallaabo oo aad horay u qaado!.
- Isku aaddi dhanka iftiinka, si hooskaagu uu kaaga dambeeyo.
- Jacaylku ma ahan wax aad adigu raadinayso, balse isaga ayaa kusoo raadsada.
- Daqiiqad kasta oo cusubi waa fursad, si aad noloshaada wax uga badasho!.
- Habeen kasta oo mugdi ahi, waxaa ka dambeeya Maalin iftiin badan.
- Nolol aan jacayl lahayn waa sida Geed aan Caleemo lahayn.
- Caqabaduhu ma ahan calaamado lagu istaago ee waa Horudhac.
- Wax kasta oo dhalaalaya ha raacin!, sababtoo ah Dabkuba wuu dhalaalaa.
- Fikirkaaga badal, si aad Dunida u badasho.
erayo xikmad leh qoraal
- Wixii aad maanta beerato ayaad barri helaysaa.
- Saaxiibada dhabta ahi waa sida Gacan iyo Il oo kale, haddii ay Gacantu xanuunsato Ishu way illimaysaa, haddii Ishu illimaysana Gacanta ayaa masaxda!
- Haddii maanta ay maalintaada ahayn, barri waa Maalintaada!.
- Wax badan Aqri, si aad wax badan u Aragto.
- Hadii aadan duuli karin orod, haddii aadan ordi karin soco, haddii aadan socon karin garguuro, si kastaba isku-day in aad horay usocoto. – Martin L. King
- Qofkii wax badan damciya dhammaan ayuu waayaa!
- Maxuma inaad Go’aan gaarto, balse ka fikir waxa dhici kara haddii aad Go’aankaas ka shaqaysiiso.
- Qofna ha quursan! sababtoo ah ma ogid awooda u qarsoon.
- Qofna laguma qiimayn karo Aragtida koowaad.
- Farxadaadu waxay ku xiran tahay, qof kale farxadiisa.
- Way fududahay in aad xaqirto wax aadan heli karin!.
- Adiga oo saaxiibkaa mugdi kula socda waxay ka fiican tahay, in aad kaligaa iftiin ku socotid.
- Qofna ma liito, balse waxaa jira qof aan aqoon halka uu ku fiican yahay.