Xikmad gaaban oo dhameystiran aadna kuu soo jiidanaysa, halkaan hoose ayee xikmadaha ku qoranyihiin ka bogasho wacan.
Ha u ogolaan shalay inay wax badan ka qaadato maanta.
Hadii ay hadda xaalada kugu adagtahay waad ka bixi doontaa ee sabar.
Qof walbo waa uu dhimanayaa, ma jiro qof sii noolaanaya.
Noloshu way yaraataa ama way sii korodhaa marka loo eego geesinimada qofka.
Wax aan macquul ahayn ma jiraan. Erayga laftiisu wuxuu leeyahay “Waa suurtogal”.
Waxaan u baahanahay wax aad uga yar inta aan moodeyno inaan u baahanahay.
Hadday arrimuhu khaldamaan, ha raacin.
Xikmad gaaban
Wax kastaa waxay leeyihiin qurux, laakiin qof kastaa ma arko.
Fududnaanta ayaa ah heerka ugu sarreeya.
Ma jirto waddo aad u mareeyso farxada, farxada iyada ayaa ah wadada.
Wax kasto oo aad tahay, ahaaw qofka wanaagsan.
Adiga un ahaaw, dadki oo idil waa lawada qaatay / yacni qof kale ha iska dhigin adiga un ahaaw.
U dhaqan sidi waxa aad qabaneeyso in ay wax badalayaan oo kale, sababtoo ah waxa aad qabato wax ayeey badalayaan.
Khaladka kaliya ee aan sameyno waa khaladka aan waxba ka baranin.
Wax walbo in dhanka wanaagsan aad ka fiiriso ayaa wanaagsan halki aad dhanka xun ka fiirin laheyd wax walbo.
Wax curintu waa qof ku faraxsan waxa uu sameynaayo.
Hadii aad runta sheegtay uma baahnid inaad wax soo xasuusato.
Noqo qof aad u wanaagsan heer ay iska kaa indha tiri waayaan.
Ma jiro wax badali karo shaqo adeyga.
Isku day in aad u noqoto daruur roobeed qofka aad daneyneeyso.
Uma baahnid inaad raadisid nolol farxadeed, ee adigaa sameysanaya farxada.
Sheeyga qiimahiisa ma garatid ilaa ay noqoto xasuus.
Farxada inaga ayee nagu xirantahay inaan dhisan.
Hadii aad fiiriso nolosha waxa aad heysato iyo waxa maqan, mar walbo waxa aan heysano ayaa badan.
Shalay waa wax lasoo dhaafay, barina waa mustaqbalka, maantana waa hadiyad, waa sababta maanta loogu bixiyay hadiyad.
waqtiga wuxuu u socdaa hal jiho, xasuustana jihada kale.
Hal saac oo subixi aroorti kaa dhunta ayaa maalinki oo idil raadisaa.
Si aad isku horumariso waa in aad isbadal sameeysaa, si aad mar walbo guul u gaartana waa in aad dhaqaaq sameeysaa.