Gabay: Cajeb Abwaan Hadraawi

Hadraawi
Gabay: Cajeb Abwaan Hadraawi
Cajebey cajiibeey
Cawo iyo ayaaneey
Caqligaad xadaysaa
Caku barashadaadii
Iyo caabuqaagee
Sida faras cag fududoo
Cadda-horor yaqaannoo
Gulufkiyo colaadaha
Ninka lihi cad-goostaa
Raggu kuu cugtamayaa
Anna caashaqaagaan
Hadba weel u culayaa
Cimri-dherer hadhkaagaan
Riyo kula caweeyaa.
Dhulka oo cagaaroo
Cosobkii dul-saarraa
Isagaan car-jabin weli
Cabbanaan daraaddeed
Ciidda hoose raantiyo
Kula ciiray fooddoon
Cagta meel la saaroo
La cuskado lahaynoo
Calcalyada xareeddii
Halka godan cuslaysiyo
Fiid-cawl horraantii
Cirka oo daruuruhu
Midab wada cillaaniyo
Ku dhigeen canjiidaha
Xilli ay cadceeddii
Dhar cashmiira xidhan tahay
Sagal caasha saaraad
La wadaagtey caanoo
Haddaan caawo kale jirin
Cidi kaama garateen
Geed cal iyo buur dheer
Carro-hodan ku yaalloo
Cokanoo irmaanoo
Dhirta kale ka caynoo
Cimilada agtiisiyo
Rugtu qurux ku caan tahay
Dusha sare caleentii
Laamaha is-celisoo
Hoobaan casuus lihi
Cartamayso dhinacyada
Ubaxuna tin iyo cidhib
Kaga dhigay cabbaadhyada
Shimbiraha ka ciyayaa
Intay heeso curiyeen
Isku camal wareereen
Dabadeeto carashada
Markii laysku cayn go’ay
Isu ciidan doonteen
Halcabbaara goortay
Isu calan walleeyeen
Cadho kala maqnaayeen
Cadcaadiigsi geedkii
Ciddiyaha ku qariyeen
Codka luuqda heestiyo
Carrabkoodu kala tegay
Carcaraha is daba maray
Cudur jirey ku baaba’ay
Dhallin caana diiddoo
Guryihii ka caagtiyo
Cadraddiyo barbaartii
Sida goob ciyaareed
Ugu soo carraabeen
Calaf waa halkiisee
Hadallada cawayskaas
Ku calmaday u badan tahay
Carshigaa nasahan baad
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caashaqo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen.