Gabay: Dhadhab – Cilmi Boodhari

cilmi boodhari

Gabay: Dhadhab – Cilmi Boodhari

Nimanyahow dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye
Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timide
Sida qaalin dhugatoobayoo geelii wada dhaafay

Dhallinyaro ma raacee kalaan dhaxanta meeraaye
Dhaqtarkaa la geeyaa ninkii dhaawac wayn qaba e
Iyana waygu dheeldheelayaan dhamacda Daa’uude