Gabay: Saanad – Cilmi Boodhari

cilmi boodhari

Gabay: Saanad – Cilmi Boodhari

Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde
Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii dayreede
Xaluun ba saqdii dhexe hurdada wax i salaameene
Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayay

Ilkaa sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey
Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda
Sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah

Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye
Soomaali, Carab iyo Hindiga sooyo laga keenay
Inta sabada joogtiyo khalqiga waad u sidataaye
Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye