Gabay: Gardarriyaa – Cilmi Boodhari

cilmi boodhari

Gabay: Gardarriyaa – Cilmi Boodhari

Intaan adiga kugu gooniyaa geed hadaan la hadlo
Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene
Gaalada ha joogtee sidaan gacal ma yeeleene
Gardariyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey

Sidii aad go’aygii tihiyo macawistaan goostay
Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin
Ama aan geyiga lagu ogeyn gabadh kaloo joogta
Gardarriyaa maxan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey

Gadiidkii an toosaba adaan kuu guntanayaaye
Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye
Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa i garab taagey
Gardariyaa maxaan hodan cabdaay kaaga goi waayey

Mana guursan kari waayinoo geesi baan ahaye
Adaan kaa gungaadhaayey oo helay geddaadiiye
Gardarriyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga goi waayey

Haatanse bal waan guursan haddii guulle ii wacaye
Oo weliba gedahaa ka dayan gobolladiiniiye
Iyadoo gabiib u eg markaan uga kaxaynaayo
Ee aan gahaydhiyo la tago gubanadii hawdka
Ee aan ganuunta ugu shubo Gooha lebenkeeda
Gibladiyo cayaaraha markuu geeljiruu tumayo
Ha geyoobin waataad lahayd gool jabaan helaye