
Gabay: Dayax iiga Muuqdheer – Cilmi Boodhari
Nimanyow dabuub gabay beryahan kuma danuukhayne
Kolba aniga oo daayey baad igu diraysaane
Idin diidi maayee waxaan dood u celin waayey
Mid duushoo yarbaa Eebahay iigu daw galayey
Aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba
Dalaalimo habeenkii haddaan meel dudo ah seexdo
Dayax iiga muuqdheer midduu duunku caashaqaye
Iga daaya hadal qaadkeedu waa iiga darayaaye