
Gabay: Kala Maan – Abwaan Hadraawi
Sidii maansha loo yidhi
Allahayow mariiqiyo
Aanu maanku naga tegin
Miyirow na kaalmee
Dhaxan baa melmelatee
Dabka aan malkadiyee
Madagtiyo usha i sii.
Muqdishiyo Hargeysaay
Kol haddii mar iyo laba
Muudaa ku gaadiyo
Maalooti qaxayaa
Muska kaaga soo dhacay,
Kol haddii mar iyo laba
Makri iyo xaqaagii
Khasab lagu maroorsaday,
Kol hadduu mar iyo laba
Kula tegey mahiigaan
Kol haddii mar iyo laba
Maxlal lagugu qaybsaday,
Kol haddii mar iyo laba
Moqorraysi lagu baday,
Kol haddii mar iyo laba
Mooyi mooyi lagu yidhi,
Kol haddii mar iyo laba
Muurmuurris dala �siya
Muhmal lagugu soo wadey,
Kol haddii mar iyo laba
Mashqac lagugu deydeyey,
Kol haddii mar iyo laba
Bir-ma-geydadaadii
Iyo mudanahaagii
Lagu diley kas iyo maag,
Kol haddii mar iyo laba
Cudud lagugu meersaday,
Kol haddii mar iyo laba
Haanraawe kugu mamay
Sida malabka doocaan
Miish-miishad kugu liqay,
Libta kaa murkucatiyo
Gobanimada kaa maqan
Maal baad ku furatoo
Meyd baad ku bixisoo
Midnimaad ku dhalisee,
Kol haddaanad moogeyn
Masalooyinkaas dhacay
Muddaduna ka badan tahay
In sidii ma-yeedhaan
Isha miirta laga dhigo,
Maxaa weliba kuu hadhay!
Alla magane sheekadu
Si kastaba u murugtoo
Muggeed dhaaftay xaajadu.
Haddii layska dhega maro
Runta kugu mudduciga ah
Murugaa ku dhaxashoo
Saqda dhexe ku miratoo
Sharafiyo marwaad dhimey.
Noloshaan milga lahayn
Horaa looga maarmee
Muqdishiyo Hargeysaay
Muruqiyo laxaadkaan
Kala maarmi jirinow,
Taariikhdu waa marag
Waxay maanta joogtaa
Yaa maalijirayeey,
Ama waa la muuqdaa
Ama waa la maqan yahay,
Labadaasna kala miyo.
Haddaan lays maqmaqashiin
Midho hore u caan baxay
Qorigiyo masaartana
Madfac loogu jilib dhigin
Maahmaahna lagu darin
Maya,Maya-na lagu odhan
Ninka cunay magtaadii
Maandeeq la soo dhicin,
Anuun baa mataanaha
Mooyaha u tumayee
Madiixayga luuqdiyo
Masafada gadooddiyo
Malahaygu waa been,
Sidaan moodayaan jirin.
Muqdishiyo Hargeysaay
Cirka meelo ka onkodey
Milliqsiga hillaaciyo
Hanqarkiyo mardaaddiga
Meexaana carashada
Majaraha ha dherersado
Maanshaynta gobollada
Maadhiinka gaaxdiyo
Miyi sumuca haw xidho
Ha ku fido magaalada
Dalka subax ha wada maro
Ha ka maydho daafkiyo
Meegaarka qaybtiyo
Waabayda lagu mudey
Mirta hawgu kuur galo
Habartii masayrrey
Halka macandideediyo
Maxasteedu yaalliin
Ha jabsado misciriraha
Ha dhufsado mareegaha
Maqashana ha kala tago
Iyadana ha maraqsado.
Muqdishiyo Hargeysaay
Mukhawigu ha kaashado
Maaweeladiisii
Wuxuu maalintaa falo
Dadka hawga marag dhigo
Kolba dhagar ha mehersado
Ha ka dhigo marriinkana
Mucsur iyo waxba la �aan,
Ha ka dhigo minxiiskana
Murugiyo jar soo dumey;
Ha ka dhigo mashxaraddana
Muusannawga ooryaha
Martidana hadhkiisiyo
Ha ka dhigo malluugaha
Muunaynta xididkana
Ha ka dhigo macsiyo dhiig.
Mahwi laysu soo baxay
Madal iyo shir lays wacay
Marta hayska wada furo
Hayska dhigo mudh iyo gacan
Heesaha maraadka ah
Ha ku marin habaaboo
Masanuunka beenta ah
Musaraarka selelka ah
Murugada shallayga ah
Hawadiisa meydka ah
Meermeerka quusta ah
Falka meehannawga ah
Hanka mala awaalka ah
Ha ku maararrooboo
Runta muran ha geliyee
Makallaha u saynsaab
Sakalaha u maydhaan
Mindiyaha u soofee
Maddanaha dabkaw geli
Nabarkana u miisaan
Madhaxii u yiilliyo
Dhiilashii milaallaa
Ha maggaabiyee sii,
Dabadeeto meeshaas
Inay maalintii tahay
Madmadowgu kaga jirey
Adna macallinkeediyo
Tahay mudanaheedii
Hadal miiggan ugu sheeg.
Wallee maadi waa meel
Qabsoo waana meel dhow
Cagtan maagi weydee
Malafsiga ku dhacantee
Manka tiigsanaysiyo
Sida mool u qodan-yahay
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.
Madaddaala beenlow
Muhashada ku haysiyo
Macal saad u baratiyo
Macaluusha kuu taal
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.
Xadhkahaad maleegtiyo
Sidaan kuugu meel deyey
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.
Waxa aan mag iyo qaan
Gashi magac leh oo jira
Iyo xoolo kugu maqan
Isu soo minguurshiyo
Sida aad u madhan tahay
Waxay muujinaysa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.
Waxan anigu maagiyo
Waxaad mooye qooqaar
Ku malaysanasaa
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.
Laabtayda milantiyo
Magligaan afaystiyo
Guntigaan maleegtiyo
Maydalkaan jaraystiyo
Sida Moora duugow
Martu kaaga furan-tahay
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala nahay.
Wakhti baa muddaysnaa
Musku waa sanqadhayaa
Masna waa ka urayaa
Miciyaanay ku ogtahay
Meel dheerna kama jiro
Mundulkuna kor iyo hoos
Mugdi oodan weeyaan,
Habartuna mandheer iyo
Marjo weeye naafa�a
Muslin-yohow islaantii
Malmal-li �ida haysiyo
Wedka hoos marmarayaa
Mashaqiyo dhib badanaa!
Gabay waa mullaaxoo
Mergi weeye leexdoo
Adigoo midhcaanyiyo
Maygaag u jeedaa
Moxor loogu dhuuntaa
Micnahaan gurracayaa
Xaalku waa maqaar saar
Midho dahab haddaad tahay
Maar baan shillalayaa
Marso aanad geyin baa
Hal-qabsigu i mariyee
Gaarriyow miliilica
Marba daad rogmanayaa
Igu soo mir kacayee
In yar Maxamed ii noqo.
�Maxaan kugu idhaahdaa?
Ma wax aanad odhanood
Hore ugu masuugtood
Ila maagtay baa jira?�
�Mayee taas la soo dhaaf
Hadday maanso dacar tahay
Suugaantu milil iyo
Tahay maal qarsoon iyo
Nabar adiga kugu mudan
Hadal madhey Suldaanow
Lagu yidhi muggaagii,
Mid se aanan falinoo
Marar hore i seegtoon
Kula maagay baa jira.�
�Ku maqlaye bal soo daa
Waxa igaga kaa maqan.�
�Marka diriro hooraan
Dhulka oo mucsur ahaa
Gobannimo marriimaan
Dhirtu wada magool iyo
Ubax iyo man saaraan
Miiraale gaaxdiyo
Mayay godol la sara-kacay
Rugta dhibic ku miisaan
Alla magane sawtii
Kuwa maqasha raacaa
Muxubbada riyaaqada
Yididdiilo milicsiga
Muunsoodka faraxa ah
Maadays ku odhan jirey,
Aannu madida foosha ah
Morohyada u culanee
Ka bax minanka jiilaal�
�Xaalku waa maldahanyahay
Mugdi baa igaga jira
Mana garan ujeeddada.�
�Haddii mawdku kedis yahay
Naftu way ka maagtaa
Godka lagu muquunshoo
Maaray ka dhigataa
Inay maahda caal waa
Meermeerka badisoo
Marmarsiinyo keentee,
Hugunkaad maqlaysiyo
Maroodiga cartamayaa
Maatadaad dhufaantiyo
Waa midiidinkaagii,
Muuqa kuu warramayaa
Ninkaad mooddey weeyaan.�
�Sida aad milshi la�aan
Mudha iigu soo tidhi
Muran bay i gelisee
Meesha aynu joognaa
Marka hore xaggay tahay?�
�Meeshu meeshi weeyaan
Meegaarki weynaa
Ciidankii majiirraa
Kugu meersanaayeen
Madaxtooyadaadii
Iyo mooradii baas�
�Hadday meeshu meeshii
Tahay aan ka magan galay
Inta midab shar leeyahay
Mudantaan u hagar baxay
Xaggee baa la soo maray?�
�Mawjadaa ka soo lalay
Iyo maayad xoog weyn.�
�Gartu waa maroortaa
Xaajadu mutuxanaa
Mirta yaa isku ogaa?�
�Mirta waxa isku ogaa
Xilligiyo mudducigii
Muddadiisu laallayd:�
�Maxaa kuu darnaa, sheeg?�
�Anaad ii macsuun tahay.�
�Marti-qaad wakhtigan jira
Waa lagu mergenayaa
Waxba hay macaaneyn
Meleggiyo heddeydee
Muraadkaaga ii sheeg:�
�Maraan kuu sidaa, hoo!�
�Taasi waa muddaahano
Iyo lama maleeyaan
Waa musuusuqaagii
Iyo geed is marintii
Miyaan anigu Jaallow
Maryo kaaga baahnahay?�
�Tani waa ma dhaafaan
Ma-huraanki weeyaan
Meel baanay kuu tiil
Waana lagama maarmaan
Madaxiyo minjaha geli
Waa meerto duniduye
Miiddiiba shubatee
Miidaddawso huubada
Muudmuudso gocashada
Murdi weelka godob yahay
Ma-hadhooyin reebtee
Yaanay maadi kaa hadhin!
U danbaynna meydkow
Madi tegaya waw door
Inuu meeris duugliyo
Duluc madhaxle reebee
Hal-muceed yadaadii
Rabbi kugu mannaystiyo
Maahmaahahaagii
Bal xusuus mid iyo laba
Miisaan leh ii sheeg
Maxaan kaa guntaa hadal?�
�Maqal waxan ku haystaa
Muslinkiyo waraabaha
Madmadowgiyo tuhunkiyo
Mashaqada dhex taallaa
Inay tahay is maan-dhaaf
Muudaaga xooluhu
Marka ay la kulantee
Muuqiisa aragtay
Lugaheeda maashaa.
Isna wuxuu majiiraha
Uga daba maleegtaa
Celi maganta baadida,
Is maqiiqiddiisiyo
Mintidkiyo dedaalkaa
Hadba muruq u siibtaa;
Dee muxuu sameeyaa
Ilkahaa u midigoo
Micidaa u gacanee.
Aniguna mudducigow
Waxaan meel la joogaa
Muran li�i dhurwaagaas.
Muddadii xilka lahayd
Haddii maamulkaygii
Malaa kadeed iyo
Mixnad iyo shil laga dhigay
Maankayga garashada
Maaraynta hawluhu
Siday iigu muuqdeen
Waxba inanan maandhaw
Ku masuugin baanfuray
Inta maqanna gaadhsii.�
Gudbey MaxamedXaashow
Mahadsanidna lagu yidhi
Maamuusna kugu ladhay
Masalooyin xidhan baan
Meelayn u deyayoo
Mayalkaan xejinayee
Hadda kuguma maakumin
Ninka aad la magac tahay.
Miyir iyo xilqaad iyo
Malko iyo hufriaan iyo
Milgo iyo xishood iyo
Madal iyo gar-soor iyo
Maskax iyo aqoon iyo
Mintid iyo dedaal iyo
Mabda� iyo falaad iyo
Murti iyo tusaaliyo
Inta mudan adduunyada
Marinnada hal-doorka ah
Sina uma midowdaan.