
Gabay – Sahwi – Cilmi Boodhari
Marka horeba anigaa sahwiyey Ina-Adeeroowe
Ooduba xigtay leedihiyo ubaxa geedaaye
Abtiyaaladay baa ii ekaa inaan adeecaaye
Ammaantii Ugaadh Cumar lahaa Ereg maxaa geeyey
Qaar hooyaday u eedo tahoo aada baa jira’e
Allahayoow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday
Ama darayo Oodweyne way omos badnaayeene
aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene
Abaaraa ku doogoobi laa erayadaydiiye
Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday
Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye
Wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale’e
Waa laygu eemaray cishqiga inan ku ooyaaye
Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday
Ahabtaba ma galo ruux hadduu aamin-goys yahaye
Axdigaad ka booddaa janada oodda kaa rogaye
Adigiyo ashahaadaduna waysku Alla seegtaane
Ha u qoonsan aakhiro waxaad urursataa yaale