Gabay – Sidii Geel Harraadoo – Cilmi Boodhari

erayo jaceyl
erayo jaceyl

Gabay – Sidii Geel Harraadoo – Cilmi Boodhari

Sidii geel harraadoo wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyoo kureygu heegaayo
Oo hoobey loo qaaday iyo hadal Walwaaleedka
Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
Hadday hawl yaraan idin la tahay aniga way hooge
Ayadoon xabaal lagu ham siin waanan ka hadhayne
Hammada beena baan idhi malaha waad la hurudaaye
Hareertayda oo madhan is idhi haabo gacanteeda
Goortaan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
Hogaansigeedii dambaan soo habaabiraye
U haylhaylay gogoshii sidii halablihii Aare
Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye
Haab-haabtay labadii go’oo shaadhkii maan heline
U hamiyey sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene
U handaday sidii geel biyaha hoobay loo yidhiye
U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
U hiqleeyey sida naag la yidhi huray dalaaqdaaye
Wax aanad haynin ood ku hammidaa hadimo weeyaane
Ho-heey iyo Ho-heey maxaa hadimo la ii geystey

Gabay Calaacal ah – Caashaqa Haween – Cilmi Boodhari