
Waxaan mareegta Baraare.com idin kugu soo gudbineynaa Qormadaan oo aad kaga boggan doontaan Maahmaahyo tiroley ah: Labo Tiroley oo waaya aragnimo aad ka dhaxli doontaan.
Labo waa loo yaabaa
- walaal war xidid leh.
- xidid war walaal ah.
Labo ma labo yaro
- Hal fiican ninkii leh ma caano yara.
- naag fiican ninkii lihina ma sed yara.
Labo muuqaaga ayey ku farxaan
- martidaada
- maalkaaga
Labo waa kuwii af gaaban
- Aqal
- Inan
labo sida ay wax u arkaan uma sheegaan
- Umuliso
- Oday
Labo geeridaada ayey jecelyihiin
- Doqon sokeeyey
- Dirir shisheeye
Labo waa labo
- Xidid waa xarig xoolaad
- Tolna waa xarig geed
labo maqnaantaada ayey ku farxaan
- Adeegahaaga siicilowga ah
- Afadaada macsileyda ah
Labo afkooda ayey u dhintaan:
- Inan.
- Agoor.
Labo waa la kaalaa:
- Caaqil sokeeye.
- Caale shisheeye.
Labo beraa la helaa:
- Gaalo baqatay.
- Ban waraabay.
Labo way isdiidaan:
- Fal aan laabta jirin.
- Faruhu way is diidaan.
Labo guur ayaa lagu dhowraa:
- Indhaha
- Ibta
Labo gole iyo geed ma buuxshaan
- Garantooy naageed.
- Neef gaax badan.
Labo ayey towfiiqda ku jirtaa:
- Nin faruur yihiis.
- Nina fadaladiis.
La soco qeybaha kale ee aan soo gudbin doono insha allah.