Tilmaamaha Xaaska Wanaagsan – 5 Tilmaamood

tilmaamaha xaaska wanaagsan
tilmaamaha xaaska wanaagsan

Tilmaamaha Xaaska Wanaagsan – 5 Tilmaamood

Waxaa jirto shan qodob oo raga xaaskooda ay ku jecelyihiin hadii ay u samaysana uusan waligiis ilaabi doonin. Runtii waa shan qodob oo hadii ay  noqdaan ama ay iska raaraadiyaan dumarka muslimiinta ah uusan ninkooda waligood  ilaabi doona.

Waxaan rabaa inaan mid mid aan u dul istaagno insha alaah.

Diin

waa in ay tahay qof diin leh waayo nabigeena NNKH ayaa yiri marka uu ka hadlaayay guurka ayaa sheegay in dumarka lagu guursado 4 qodob sida  diinteeda quruxdeeda ,dhaqaale,nasab,intaas markuu sheegay nabaga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee ayaa yiri kudadaala mida diinta leh si aad u guuleysato.

Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in diirada la saaro sidii lagu heli lahaa mid diin leh.

Muwaafaqa ama raaliyad

Waa in ay tahay mid muwaafaqa ah ama raaliyad ah oo ninkeeda amarkiisa qaadata aanan ka aheyn wixii alle SW wax alle wuxuu raali ka yahay.

Sabarka

Waa in ay tahay qof sabar badan mushkilad kasta oo soo wajahda inta ay la nooshahay

Dhibaatadaas waa in ay ku samirtaa tusaale sida ninkeeda  hadii ay soo wajahdo mushkilada dhaqaale ileen aduunyadaaan marba waa xaalad .

Hadii ay xaalada kasta ay kula samirto ninkeeda iyo caruurteeda xaaska noocaas ah waligeed ma ilaabi doona ninkeeda.

Daryeel

marka laga hadlaayo daryeelka waxaa weeye waa daryeelka khaaska ah oo dhan walba ka daryeesho ninkeeda hadii ay ahaan laheed dharka uu xiranaayo oo uu ku labisanaayo inay daryeesho nadaafadiisa ,sidoo kale daryeelka waxaa ka mid ah  dhanka cuntadiisa ,gogoshiisa,ninka qaraabadiisa iyo daryeelka caruurta waxaas oo dhan ayaa laga rabaa in ay samayso haweeneyda ama daryeesho,hadii ay sidaa sameyso haweeneyda ninkeeda waligiis ma ilaabi doona.

Dareen

marka laga hadlaayo waa uu fara badan yahay waxaana ka mid ah waa in ay ilaalisaa ninkeeda dareenkiisa dhanka reerkiisa ama qoyskiisa.