Qaabka ugu fudud ee aad ku noqon karto qof aan hadal badneen

Qofka hadalka yar wuxuu kaga soocanyahay dadka kale waa qof waxbartay oo mutacalim ah iskama hadlo oo kuma hadlo waxa uu rabo oo afkiisa soo qabtay wuxuu ku hadlaa hadal miisaaman oo leh  xikmadaysan dadka markaas la hadlaayo wax badan ka faaideysan karaa.

 

Sida sheegtay shareecadeena qiimaha badan waxaa wanaagsan qofka in uu wax wanaagsan ku hadlo ama iska aamuuso sidaasi ayaa u kheer badan waayo hadii uu ku hadlo waxyaabo aan wanaagsaneen laba dhibaato ayaa soo wajahayso oo ah.

 

1.in uu hadalkiisa danbiga ka soo gaaro.

2.in uu sumacad wanaagsan ku yeelan waayo bulshada dhexdeeda.

Sax ma ahan qofka in uu iska waramo ujeed la,aan hadii aad hadlayo waxaa wanaagsan in hadalkaada uu ahaado mid wanaagsan islamarkaana aad ku yeelan karto sumcad iyo kasbasho bulshadeeda  dhexdeeda aad ku yeelankarto.

 

Wadiiqooyiinka kaa saacida kara in uu yaraado hadalkaada.

 

Akhrinta

Waxaa jira dad inta badan  iska hadla  ayagoo hadalkooda  wax faaido ah ku qabin  sidaasi waxaa ka fiican in aad ku hadasho wax wanaagsan ama aad iska aamuustid.

Qofka hadii uu inta badan wagtigiisa geliyo waxaa yaraanaayo in uu iska hadlo bilaa hadaf la,aan waana sababta aad ku yareyn kartid hadal badnid.

 

Dhageysiga iyo faaidada

Noqo qof miisaan leh ha bilaabin aragtidaada ama hadalkaada ilaa lagaa codsado sida saxda qofka wuxuu qiimo iyo sharaf  yeelanaayaa in hadalka iyo aragtiga marka laga dalbado laakin in adigoo hadalka lagaa codsanin hadii aad hadashid hadalkaaada qiimo iyo nuxur ma yeelanaayo.

 

In aad maamushid warka.

Waxaaa suura gal ah in aad hadashid wax badan laakin hadalkaada uusan noqonin mid dadka soo jiita laakin waxaa wanaagsa in hadalka uu yaraado islamrkaana uu koobnaado.

 

La fadhiisiga dadka aqoonyahaanada ah.

La fadhiiso dadka aqoonyahaanada iyo dadka mutacalimiinta ah fiiri qaabka ay u hadlaayaan si aad ugala dhexbaxdid xikmad iyo waayo aragnimada.

 

waxbadan ha weydiinin

dadka inta badan waxay dhibsadaan su,aalaha fara badan waayo su,aalaha fara badan inta badan ma jecla  su,aalahana waa in noqdaa su,aalo macquul ah lloma baahna su,aalo maalaayacni ah